Taliska Ciidanka Cirka Ingariiska Oo ka Hadlay Sababaha Ugu Badan Ee Askarta Kenya Loogu Dilo Soomaaliya (Sawirro)

0

War kasoo baxay Taliska ciidamada cirka dowladda Ingariiska ee fadhigoodu yahay xerada Honington ee gudaha dalkaasi ayaa faah faahin looga bixiyay saraakiil tababarayal dhanka miina saarka ka caawiya ciidamada Kenya ee la dagaalama xoogaga Xarakada Al-shabaab ee ka howlgala Soomaaliya iyo Kenya.

Taliska ayaa sheegay sababta ugu badan ee ciidanka militariga Kenya ugu dhintaan Somaaliya iney tahay qaraxyada ay la eegtaan xoogaga Al-shabaab ee dagaalka xoogan uu kala dhaxeeyo dowladda Kenya.

Bayaanka kasoo baxay Taliska ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan dowladda Kenya ay qiratay in ugu yaraan 12 askari looga dilay qarax xoogan oo kolonyo katirsan ciidanka kenya lagula eegtay duleedka degmada Dhooley ee gobalka Jubbada dhaxe ee soomaaliya.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa sheegay in tababarada la siinayo askarta Military-ga Kenya uu ka jawaabayo dalabyo kaga yimid hogamiyaasha Kenya kuwaa oo daneynayay in la siiyo qalab iyo tababaro dheeraad ah oo ay kaga hortagayaan weerarada qaraxyada ee kaga imaada Al-shabaab.

Tababarkan oo socon doono muddo kooban ayaa la sheegay in ciidamada Kenya lagu bari doono xeelado iyo farsamooyin ka caawinaya ka hortagga weerarada qaraxyada inta badan ay la kulmaan.

“Tirada ugu badan ee dhimashada ciidamada Kenya ka soo gaarta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab waxaa sababa qaraxyada miinooyinka” sidaas waxaa yiri Gariim Royistom oo ah madaxa kooxda tababarayaasha ingiriiska ee bixinaya tababarka miina saarka ee ciidanka Kenya la siinayo.

Tababarkan wuxuu ka socdaa dugsiga ciidamada Infantry ee ku yaalla Isiyeeloow, halkaas oo lagu soo dhaweeyey saraakiisha tababarayaasha ee ka socday dowlada Ingiriiska.

Sawiro lagu baahiyey Website-ka ciidanka cirka Ingiriiska ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano R.A.F ayaa muujinaya ciidamada Ingiriiska iyo kuwa Kenyaatiga oo si wadajir ah fulinaya xeelado ay looga hortagi karo qaraxyada iyo xeeladaha kale ee quseeya dhanka Military-ga.

Bayaan kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qarax miino oo ka dhacay xadka labada dal ay wadaagaan in lagu dilay ka badan 15 askari laguna burburiyey gaari nooca dagaalka ah.

Hogaamiyaha dowlada Kenya Uhuru Kenyaatta ayaa qiray in qaraxaas looga dilay ugu yaraan sagaal askari, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay la kulmeen weerarka xilli ay roodno ka sameynayeen xad-beenaadka balse warbixino ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaya ehelada askarta lagu dhimatay weerarka ayaa tirada dhimashada ee weerarkaas gaarsiiyey ilaa 12 askari.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo badan looga dilay gudaha soomaaliya waxii ka danbeyay markii cutubyo katirsan ciidamada Military-ga kenya ay soo galeen gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobalada Jubboyinka.

Daawo Sawirada Tababarka Ay Bixinayaan Saraakiisha Ingiriiska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here