War Deg Deg:-Xisaabiyihii Baarlamaanka Soomaliya oo la Dilay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa Wadada Maka-almukaramah ee Magaaladda Muqdisho waxa ay ku rasaaseeyeen shaqaalo ka Tirsan Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Falkaan ayaa ka dhacay  dhabarka dambe ee KUWAIT PLAZA HOTEL dhinaca degmada waaberi ee Gobolka Banaadir.

Ragga hubeysnaa ayaa rasaas la dhacay gaariga ay saarnaayeen shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa halkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Xisaasbiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Cumar Dalxa ayaa la sheegay in rasaasta uu ku geeriyooday,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Cali dheere uu isna kamid ahaa shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.

falka waxaa ka badbaaday haweeney iyo darawalkii gaariga waday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here