Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada kenya ayaa sheegay in ay adkeenayaan amniga xuduuda ay wadaagaan dalalka soomaaliya iyo kenya si looga hortago weeraro dhiig badan kudaata oo alshabaab ay kusoo qaadaan gudaha dalka Kenya.
Gudoomiyaha Countyga Mandera Kuswa Olaka ayaa sheegay in ciidamo fara badan oo katirsan dowlada kenya lageeyay xuduuda ay lawadaaan soomaaliya si ay kaga hortagaan weerarada alshabaab.
“Waxeynu sameyn doonnaa qaabka ugu macquulsan ee aan kaga hortagi karno alshabaab kuwaa oo qorshenaya in ay weeraro kusoo qaadan goobo fara badan oo kuyaala xuduuda aan lawadagno dalka soomaaliya ayuu yiri gudoomiyaha mandera Kuswa Olaka .
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay gudoomiyaha in ay ilaha sirdoonka kenya kaheleen xoggo muujinaya in xarakada alshabaab ay doonayaan in gudaha kenya kageystaan weeraro inta lagu guda jiro bisha barakensan ee Ramadaan.
Gudoomiyaha magaalada mandera ayaa sidoo kale baaq ujeediyay dadka deegaanka kaa oo sheegay in ay soo shegaan dadka ay kashakiyaan si loga hortago weerarada alshabaab.
Xarakada alshabaab ayaa inta badan bartilmaameedsata kolonyada ciidamada dalka kenya iyagoona mararka qaar miinooyin ku’aasa wadooyinka ay isticmaalayaan ciidamada dalka Kenya.
Ugu dambeyn amniga dalkaasi kenya ayaa lugaha lagalay dhibaatooyin tan iyo markii ay go’an sadeen in ciidamadeeda ay qeyb kanoqdaan ciidamada midowga africa ee dagaalka kula jira xarakada Al-Shabaab .

