Dabley hubeysneed ayaa galabta Magaaladda muqdisho waxa ay ku dileen Nin Nabadoon ahaa.
Dilka ayaa ka dhacay Waaxda Saddexaad ee xaafadda Dabaqeynka, degmada Dharkeynley, ee gobolka banaadir.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nabadoon Sheekh Saleebaan Abiikar Fooldheere.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal Labo dhalinyaro ah ayaa fuliyay dilka,kuwaasi oo nabadoonka ka toogtay qeybaha sare ee jirka.
Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid Ahaa ergooyinkii doortay xildhibaannada Baralmaanka Federaalka Soomaaliya.

