Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo La Kulmaya Dhigiisa Dalka Ethopia

0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia,kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaas.

Raisulwasaare Kheyre waxaa safarkiisa ethopia ku wehlinaya Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa Magaalada Addis ababa maalmo ka hor gaaray  Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Raisulwasaare Kheyre ayaa dhigiisa dalka ethopia kala hadli doona Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera oo ay qeybta ka tahay Itoobiya, arrinta maamul goboleedyada oo badankood xiriir dhow la leh Dowladda ethopia.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here