Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil Maraykan ah ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.
Wafdigaan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba kusoo dhoweeyay Saraakiil ka titsan qaybta 60-aad ee xoogga Dalka oo uu hor kacayay abaanduulaha qaybta, Ismaaciil Khalliif Shire.
Xubnahan ka socda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa kulan la qaatay saraakiisha qaybta 60-aad, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howl-gallada lagu sugayo ammaanka Dalka iyo sidii loo furi lahaa Waddooyinka qaar oo ay go’doomiyeen xoogan katirsan Xarakada Al-shabaab.
Ismaaciil Khalliif Shire Abaanduulaha qaybta 60-aad oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wafdigani ka wada hadleen sidii ay u ogaan lahaayeen qaab dagaaleedka qaybta iyo waxa uu Ciidanku u baahn yahay, si loogu gudbiyo madaxda iyaga ka sarreysa, iyagoo booqasho tan la mid ahna ugu tegi doono Ciidamada Degmada Buur Xakaba oo isugu jira SNA iyo K/Galbeed.
“Qaybta ayay ugu socdaan qaab dagaaleedkeeda iyo waxa aan u baahannahay qayb ahaan, si ay ugu gudbiyaan madaxda iyaga ka sarreeysay, waxaa u dhinnaa Buur xakabo, ciidamadaasna waxay isugu jiraan SNA iyo Koofur galbeed” ayuu yiri Abaanduulaha qaybta 60-aad Ismaaciil Khalliif.
Abaanduulaha ayaa intaa ku daray inay Ciidamada wada jira ku howlan yihiin diyaargaroow dagaal, iyagoo ku wajahan Tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab.
Waa markii Labaad ee ay Magaalada Baydhabo tagaan wufuuddan ka socota wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka, iyadoo uu qorshuhuna yahay la dagaalanka xarakada Al-shabaab ee katirsan Ururweynaha Alqaacidda qeybtiisa Soomaaliya ka dagaalanta.

