Dalalka Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha Soomaaliyeed, farsamada ku bixi doonta iyo tabobarada ayey ka caawin doontaa, waxaana ay Dowladda Pakistan ku bixin doontaa $10.5 Milyan si loo hirgeliyo mashruucaas.
Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sarreeya dalkaas oo uu ugu horreeyo R/Wasaaraha Pakistan mudane Shahid Khaqan Abbasi, Wasiirka Lacagta Pakistan mudane Miftah Ismail iyo Agaasimaha NADRA iyo masuuliyiin kale.
Hay’adda Qaran ee Diiwaangelinta iyo Xogta Muwaadiniinta Pakistan oo loosoo gaabiyo (NADRA) ayaa kala shaqeyn doonta Soomaaliya sidii loo diiwaangelin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ka caawin doonta dhanka farsamada iyo tiknoolajiyadda loo isticmaalo diiwaangelinta iyo kaydinta xogta.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Pakistan garab istaagga ay Soomaaliya garab taaganyihiin, wuxuuna sidoo kale ammaanay dadaalka ay Dowladda Pakistan ku bixinayso hirgelinta mashruucaas oo muhiim u ah in doorasho ka dhacdo dalka 2020.
dhanka kale Wasiirka Lacagta Pakistan Mudane Miftah Ismail ayaa sheegay in ay ka go’antahay Pakistan caawinta iyo garabsiinta Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah.








