Akhriso:-Eedeen Loo Jeediyay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya+Dhageyso

0

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Gal-mudug ayaa sheegtay in wax wada shqeyn ah aysan ka dhaxeynin Wasaaradda Caafimaadka Gal-mudug iyo mida Dowlada Dhaxe Dalka.

Wasiirka Caafimadka Maamulka Galmudug Nimco Maxamed Maxamuud (Catoosh) oo la hadashay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in wasaaradda ay madaxda u tahay aysan caawimaad ka helin tan dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in xiriirkii ugu dambeeyay ay labadda wasaaradood yeesheen uu ahaa Todobo bilood ka hor,islamarkaana wasaaradda Caafimaadka Gal-mudug ay tahay mid u baahan garab istaag.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Madaxda Ugu sareysa Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay yihiin kuwa kasoo jeeda deeganadda Maamulka Galmudug balse aysan doonaynin In ay wax u qabtan shacabkooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here