Xildhibaan ka Hadlay Cida Xaqa U Leh Iney Gacanta Ku Heyso Deegaanka Tukaraq (Dhageyso)

0

Iyadoo Dhawaan Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Ay Ku wada Dagaallameen Ciidamo kala Taabacsan Maamullada Puntland Iyo Soomaliland Ayaa Arrinkaas waxaa Ka hadlay Xubno Ka Tirsan Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo Wareysi gaar ah Siinayey Idaacada Simba ee Magaalada caasimada ah ee Muqdisho  Ayaa Waxa Uu Beeniyey In Soomaaliland Ay Kusoo Duushay Dhulka Maamulka Puntland.

Xildhibaanka Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Deegaanka Tukaraq Ay Ka Mid Tahay Dhulka Soomaaliland Isla-markaana Puntland Ay Dooneyso In Dhulkaasi Xoog kula Wareegto waa sida uu hadalka u dhigay

Waxa Uu Beeniyey In Dagaalku Uu ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Balse Uu Ka Dhacay duleedka.

Dhanka Kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Oo ka tirsan Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu hoosta ka Xariiqay In Xukuumadda Soomaaliland Ay Ka Go’an tahay In Gudaha U Gasho Tukaraq Kana Shaqeyso danaha Iyo Horumarka Shacabka Ku Dhaqan Deegaankaasi.

Halka Hoose Ka Dhageyso Codka Xildihabaanka oo Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here