Gargaar La Gaarsiiyay Dad ku Barakacay Fatahaadaha Wabiga Jubba

0

Qoysaska la gaarsiiyey Raashinkan Gargaarka ah ayaa isugu jirey Beeraley wax soosaarkoodii ku Baaba,ay Fatahaadaha webiga Jubba  uu ka sameeyey Baardheere iyo Qoysas kale oo danyar ah kuna barakacay Fatahaada webiga ,kuwaasi oo laga soo xuley Xaafahada Magaalada .

Gargaarkani raashineed ee la siiyey qoysaska ku barakacay daadadka fatahaada webiga magaalada Baardheere  ku dhuftay ayaa loo qeybiyey cunto isugu jirta Bariis,saliid iyo  Sonkor,

Deeqdani ayaa ahayd Lacag dhowaan ka timid DF oo loogu talagaley in wax loogu qabto Qoysaska Barakacayaasha .

Mas,uuliyiintii ka hadashey qeybinta raashinka gargaarka ah ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere,Maxamed C/Raxmaan Matow oo ah Gudoomiyaha Beeraleyda Baardheere iyo Xubno kale dhamaantoodna waxay ka mahad celiyeen deeqdan maadama lagu guda jiro Bil Barakeysan

Wabiga Jubba ee Mara dagmada Baardheere ay ku fatahay xaafadaha magaalada taas oo keentay in dad badan ay ka qaxaan guryahoodaa sidoo kale waxay daadadkaasi saameeyeen dhu beereed gaaraya 200 oo Hektar taas oo ay ku beernaayeen dalagyo kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here