Maxkamada Hargeysa oo mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Buurmadow

0

Maxkamada Racfaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Cisman Aw Maxamud Buurmadow oo horey racfaan uga qaatay Shan sano oo xabsi ah oo lagu riday.

Maxkamada Hargeysa ayaa 26-kii bishii April ku riday 5-sano xabsi ah Boqor Buurmadow oo lagu eedeeyay in uu tagay deegaan katirsan maamulka Puntland.

Qareenada difaacayay boqor Buurmadaw ayaa eedeyntaasi ka difaacay, hase-yeeshee garsooraha maxkamada rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan wuxuu sheegay in denbigaasi lagu helay boqorka laguna riday saddex sano oo xadhig ah .

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Odayaasha, Siyaasiyiinta , Qorayaasha iyo dadka kale ee dhaliila maamulka ama taga Soomaaliya inteeda kale, waxaana dhawaan cafis Madaxweyne lagu sii daayay Gabar qoraa aheyd oo Xukun ku riday Somaliland.

Xukunkaan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhowaan Hay’adda udooda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ay ku eedeysa Somalilandinay ku tomato xuquuqda aadanaha, islamarkaana dadka ay udiido inay cabiraan fikirkooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here