War Deg Deg Ah: Dagaal ka Socda Duleedka Degmada Mahadaay

0

Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobalka shabeellaha dhaxe ayaa ku waramaya in halkaasi maanta ay ku dagaalamayaan ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu sahlka ku hayo mishaaraad laga bixinayay xarun ciidanka ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Xawaadlee ee Sh/dhaxe.

Khasaaraha ka dhashay iska hor hor imaadka wali laga maqlayo tuulo duleedka kaga began deegaanka xawaadle ee gobalka shabeellaha dhaxe ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku geeriyooday hal askari, halka dhanka kale uu jiro dhaawacyo kasoo gaaray ciidamada uu iska hor imaadka u dhaxeeyay.

Xiriiro kala duwan oo idaacada Simba ee magaalada muqdisho ay la sameysay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka shabeelaha dhaxe ayaa sheegay inuu jiro ciidamo iska hor imaad uu ku dhax maray duleedkadegmada mahadaay , balse ay waxii faah faahin ah dib ka siin doonaan warbaahinta.

Waxii Kusoo Kordha Kala Soco WWW.SIMBANEWS.COM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here