Shirka Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda oo Ka Furmaya Magaaladda Baydhabo

0

Magaaladda baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta ka furmi doona shirka Golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira.

Shalay waxaa gaaray magaaladda Baydhabo dhamaan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, kuwaasi oo xalay kulamo ku yeeshay madaxtooyadda Maamulka KGS ee Magaalada Baydhabo.

Shirka Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda ayaa waxaa shir gudoomin doona madaxweynaha Maamulka Puntland ahna gudoomiyaha madasha Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhowaan shirkaasi ku wargeliyey hogaamiyayaasha madasha.

Ajendaha kulanka waxaa ugu horeeya arrimaha ku saabsan Dastuurka, Doorashooyinka 2020-ka, Duulaanka dawlad gobaleedyada lagu soo qaaday iyo sidii ay uga hadli lahaayeen hanaanka siyaasadeed ee dalka oo ay welwel ka qabaan halka lagu wado waqtigan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ahna gudoomiyaha madasha Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan uusan caqabad ku aheyn hormarka Soomaaliya,islamarkaana Golaha uu ka tashan doono arrimo isaga gaar u ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here