Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa ka furmay shir Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira.
Shirkaan oo ah midkii labaad oo ay yeeshaan Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa waxaa marti geliyay markaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha Puntland,Galmudug,Hir-shabeelle iyo Jubba-land.
Shirka oo uu furay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ahna Gudoomiyaha Golaha ayaa loogu hadli doonaan arrimaha khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda,dagaalka Shabaab,iyo Fataahadda Wabiyadda Shabeelle iyo Jubba.
Shirkan oo socon doona illaa berri ayaa wararka waxa ay sheegayaan in gaba gabadiisa laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii madaxda ay ka wada hadleen.







