Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan inta badan Madaxa Maamul-Goboleedyada Dalka.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta safar ugu amba bixi doona magaaala Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo uu ka furmayo shir looga hadlayo Arrimaha u dhaxeeya DFS iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda Faderaalka.
Shirka Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda ayaa waxaa shir gudoomin doona madaxweynaha Maamulka Puntland ahna gudoomiyaha madasha Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhowaan shirkaasi ku wargeliyey hogaamiyayaasha madasha.
Madaxweynaha martida loo yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaarey shalay magaalada Baydhabo, waxaana la filayaa inay gaaraan madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Puntland.
Ajendaha kulanka waxaa ugu horeeya arrimaha ku saabsan Dastuurka, Doorashooyinka 2020-ka, Duulaanka dawlad gobaleedyada lagu soo qaaday iyo sidii ay uga hadli lahaayeen hanaanka siyaasadeed ee dalka oo ay welwel ka qabaan halka lagu wado waqtigan.
Dhinaca Kale warar hoose oo ay heshay Idaacada Simb ee Magaalada Moqdisho ayaa Sheegaya in Madaxweynahayaasha Maamulada Gal-mudug iyo Hir-shabelle lagu cadaadinayo in aysan Ka qeyb-galin shirka u dhaxeeyo Maamul-Goboleedyada ee maanta ka furmaya magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

