Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Wasiiro Cusub (Akhriso)

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalyumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen.

Madaxweynaha Dawladda gobaleedka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka maamulka Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo.

Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Puntland.

  1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka.
  2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda

Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dawladda gobaleedka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here