Faah faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay maanta deegaan weynaha ceelasha biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay iney maqlayeen laba qarax oo aan la kala garan Karin cida lala eegtay iyo khasaaraha ka dhashay intaba, balse ay maqlayeen qaraxa kadib rasaas xoogan oo dhaceysay.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cida lagu weeraray qaraxa, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Somaliya oo marayay deegaanka ceelasha ee duleedka Muqdisho.
War lagu baahiyay Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada qaraxyadaasi.
“Laba qarax ayaa ciidamada Al-shabaab u qaabilsan dhanka miinooyinka waxey la beegsadeen askar katirsan ciidamada loo yaqaan Xasilinta, halkaasi waxaa lagu dilay 9 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda ee la kulmay weerarka, sido kale qaraxyada ayaa waxaa dhaawacyo ay lasoo gaareen 7 askari oo katirsanaa isla ciidanka la kulmay weerarka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xoogaga Al-shabaab.
Majirto cid ka madax banaan Xarakada Al-shabaab oo Simba u xaqiijisay in tiro intaa la eg laga dilay ciidamada dowladda, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxa, balse aysan cayimin cadadka uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay ceelasha.
Xiriiro kala duwan oo Radio Simba uu la sameeyay saraakiil katirsan ciidamada amaanka oo ku sugan duleedka magaalada muqdisho, ayaa ka gaabsaday iney warbixin inaga siiyaan sida wax ay u dhaceen.
Waxii ku Soo Kordha Qaraxyada kala Soco WWW.simbanews.com

