Maamulka Jubaland ayaa ka hor yimid shirweyne looga hadlayo arimaha Dastuurka oo ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimada guud ee Soomaaliya.
Wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha diinta Jubbaland oo qaadacday ka qeybgalka shirweynaha Qaran ee Dastuurka oo dhawaan ka furmi doona Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubbaland Dr. Aadam Ibraahim Aw-xirsi ayaa u xaqiijiyay inay Maamulka Juballand uusan ka qeybgali shir looga hadlayo dhameystirka Dastuurka Qabyo qoraalka kaasi oo ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay Shirka Muqdisho in uu yahay mid ay wadaan Shaqsiyaad gaar ah oo aan talo kasiin qeybaha Bulshada Soomaaliya mudan inay talo ku yeeshaan dhameystirka Dastuurkooda.

