Hogaanka AMISOM Ayaa ka Horyimid Damaca Dowladaha Itoopiya Iyo Ugandha Ee Soomaaliya

0

Wakiilka gaarka ah ee midowga Africa uqabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in ciidamada amisom ay ka bixi doonaan Soomaaliya balse hanaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kabixi taankooda uu noqon doono si tartiib ah sababtoo ah waqtigan  wali ciidamada dowlada Soomaaliya aanu jirin dib uhabeyn ku aadan sidiii ay ubuuxda udamaanad qaadi lahaayeen amniga guud ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee midowga Africa uqaabilsan soomaaliya Francisco Madeira oo wariyayaasha kula hadlayay dalka Burundi.

Victor Nduwumukiza oo ah taliyaha cidamada ka socda dalka Burundi ayaa sheegay Inka badan 4900 boqol oo katirsan ciidamada in ay kusugan yihiin Soomaaliya  kuwaa oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM, si ay utaageeraan dowlada soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab.

AMISOM gobolka haatan waa lisku haleen karaa boqolkiiba 85 balse mararka qaar Al-shabaab waxaa ay wadada ugalaan kolonyada ay ciidamda Amisom wataan, balse ciidamda amisom iyo kuwa dowlada soomaaliya oo isikaashanaya ay dagaal kala hortagaan Xoogag Al-shabaab  ka tirsan ee weerarka kusoo qaada kolonyadaasi ayna lakulmaan jab aad u xoogan ayuu yiri taliyaha ciidamda burundi ee qeybta ka ah ciidamda Amisom ee ku sugan soomaaliya.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Hirshabelle oo sii hadlayay ayaa waxaa uu codsi usoo jeediyay taliyayaasha ciidamada Amisom in tababar dhameystiran ay siiyaan ciidamada dowlada Soomaaliya si marka ay kabaxayaan dalka ay sibuuxda umaamulaan amniga guud ahaan soomaaliya ayuu yiri Mohamed Ali Cadle oo ah wasiirka arimaha gudaha shirballe

Dalalka Burundi, Ethiopia, Kenya, Uganda, siiraaliyoon, ayaa waxaa ay ciidamo ka jogaan Soomaaliya si ay utaageraan dowalda federaalka ah ee soomaaliya kuwaa oo sanadii 2007 lookeenay dalka in ay xasiliyaan amniga dalka lana dagaalamaan Alqaacidda Soomaaliya ee     Al-shabaab iyadona ciidamo badan oo qeyb ka ahaa Amisom iney dalalkooda u noqdeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here