Tirada Dadkii ku Dhintay Qaraxii Wanlaweyn Oo Sii Kordhaya Iyo Dhaawacyo Xaaladooda Laga Deyrinaayo ( Dhageyso)

0

Qarax loo maleeynayo inuu fuliyay qof isa soo miidaamiyay ayaa Arabacdii shalay xilli gabalka uu sii dhacayay, waxa uu ka dhacay suuqa labaad ee dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada gobolka shabeelaha hoose Cabdifataax Xaaji Cabdule oo ayaa Simba u xaqiijiyy in qaraxa ay ku nafwaayeen dad kabadan 10 qof halka in kabadan 25 kalana ay ku dhaawacmeen wuxuu kaloo sheegay gudoomiyuhu inay jiraan dad wili lagu la,yahay qaraxaasi .

Khasaaraha dhimashada iyo dhawaaca ka sokoow waxa kale uu reebay qaraxaasi raadad bur bur soo garay goobaha ganacsi ee ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay oo ah  bartamaha magaalada Wanlaweyn gaar ahaan halka loo yaqaan Aargada ee gudaha degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay xiliga qaraxa dhacayay inay  dad badan ay ku sugnaayeen goobta .

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay miino dhulka lagu aasay kaa soo lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay ciidamo saarnaayeen balse gaariga ayaa si diriqi ah kaga badbaaday qaraxa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada Wanlaweyn.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada qaraxaasi, inkasto shabaab aysan sheegin waxa ay u adeegsatay qaraxa, ayaa waxey sheegtay iney ku dishay ugu yaraan Afar askari oo katirsanaa ciidamada dowladda oo maandooriye ku cunayay bartamaha degmada Wanlaweyn.

Dhageyso Codka:- Gudoomiye ku Xigeenka Dhinaca maaliyada Gobolka Sh/Hoose

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here