Galmudug Oo Hanjabaad Hawada u Marisay Ciidamo Ku Dagaalamay Deegaanka Olol (Dhageyso)

0

Ugu yaran hal ruux ayaa ku dhintay inkabadan 10 kalane waa ay ku dhawacmeen  dagaal maleeshiyo beeleedyo ku dhexmaray meel layiraahdo Qalanqale oo ka sukeeysa deegaanka Olol oo katirsan Gobalka Galgaduud kadib markii ay ku dirireen dad xoolo dhaqato ah.

Gudi xasilin oo ay Wasarada Amniga G/Mudug horkaceysa ayaa ku baxay dagaalkaasi si ay u qaboojiyaan xiisada waxayna ku guuleysteen inay kala qaadan dhinacyadii dagaalamayay oo aagaa isku hor fadhiyay.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga G/Mudug Mhad Xasan Maxamed  oo isagu horkacayay wafdiga ku baxay colaadaasi ayaa Radio Simaba u sheegy in haatan ay xaaladu dagantahay goobihii lagu dagaalamayna ay ku suganyihiin ciidmo katirsan maamulka Gobaleedka Galmudug.

Balse Wasiir Mahad ayaa ku hanjabay inay gacan bir ah ku qabn doonaan dadka udurbaan tumaya colaada huwan qaabka qabiil ee deegaanada maamulkaasi ku soo noqnoqday.

Dhageyso:- Wareysiga uu Radio Simba Siiyay Wasiir ku Xigenka Amniga Galmudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here