Iiraan oo 20 Gantaal ku Weerartay Saldhigyo Ciidamada Yahuudda Ay Leeyihiin

0

Saraakiisha Militariga Yahuuda ayaa sheegay in Iiraan ay gantaallo ku soo garaaceen fariisimaha ay ku leeyihiin buuraha Golan Heights ee la haysto, iyadoo Sarkaal sare oo u hadlay Yahuudda uu sheegay in ciidammada kacaanka ee Iiraan ay soo rideen ku dhawaad 20 gantaal, arrintaasina ay dhacday subaxnimadii hore ee Khamiista qaarkoodna la qabtay balse aysan wax khasaare nafeed ah ka dhalanin.

Horraantii bishan ayay Yahuudda sheegtay in ay aragtay “dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn” oo ay samaynayaan ciidammada Iiraan ee gobolka ku sugan.

Waxaa la sheegayaa in Ciidammadooda ku sugan buuraha Golan Heights ayayna feejignaan dheeri ah galiyeen, shacabkana waxay ugu baaqeen in ay gabaad raadsadaan.

Jonathan Conricus oo u hadlay ciidammada ayaa sheegay in Yahuuda ay aargoosatay balse faahfaahin kama uusan bixinin.

Wakaaladda wararka ee Suurriya ee Sana ayaa mar dambe sheegtay in habka difaaca lidka diyaarada lagu soo riday gantaallo hawada Suuriya soo galay.

Xaqiijintan u dambaysay ayaana dabo socota gantaallo la sheegay in taliska Yahuuda ay ku garaacday saldhig milatari oo ku yaalla koonfurta magaalada Dimishiq ee caasimadda u ah Suuriya Talaadadii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here