Dowladda Qatar ayaa sheegtay in taageero dhanka amniga ah ay siineyso dalalka Soomaaliya iyo Afganistaan, oo maal mahii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen qaraxyo kala duwan.
Qatar ayaa sheegtay kaddib markii qaraxyo ka dhacay labada dal ay dad badan ku dhinteen, waxii xiligaa ka danbeeyay dowladda Qatar ayaa go’aansatay iney taageero kala duwan siin doonto dalalkaasi.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Qatar ayaa lagu sheegay in Qadar ay diiddan tahay nooc waliba oo xiriir la leh falalka kala gedisan ururada Argagaxisada.
Warka kasoo baxay ayaa sido kale Waxaa ay tacsi ugu dirtay Dadka ku dhintay Wanlaweyn iyo Kabul oo ka kala tirsan Somaliya iyo Afghanistan, waxeyna intaa Qatar raacisay iney garab taagan tahay dalalkaasi.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada gobolka shabeelaha hoose Cabdifataax Xaaji Cabdule oo ayaa Simba u xaqiijiyay in qaraxa ay ku nafwaayeen dad kabadan 10 qof halka in kabadan 25 kalana ay ku dhaawacmeen wuxuu kaloo sheegay gudoomiyuhu inay jiraan dad wili lagu la,yahay qaraxaasi .
War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada qaraxaasi, inkasto shabaab aysan sheegin waxa ay u adeegsatay qaraxa, ayaa waxey sheegtay iney ku dishay ugu yaraan Afar askari oo katirsanaa ciidamada dowladda oo maandooriye ku cunayay bartamaha degmada Wanlaweyn.
Dhinaca Dalka Afghanistan labo weerar oo lagu qaaday Saldhigyada Booliska Kabul ayaa waxaa ku dhintay 8 Qof iyada oo kaddibna ay xigtay rasaas xooggan.

