Maamulka Al-Shabaab ee degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Xukun dhagax ku dil ahaa waxa ay ku fuliyeen Haweeney Zino ah ku kacday.
Fagaaro ku yaalo degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukunka lagula fuliyay Haweeenay lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi Warsame oo hal Mar 11 Nin isku guursatay.
Qaadiga Maxkamadda islaamiga Shabeelaha Hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka lagu riday haweenayda ayaa sheegay in ay qiratay dhammaan dambiyada lagusoo eedeeyay oo ahaa in ay guursatay 11 Nin hal mar, xaaladda caafimaad ee Shukri Cabdullaah Warsame ayaa aheyd mid wanaagsan waxayna maxkamadda ka hor sheegtay in wax cudur daar ah aysan laheyn ayna ku qanacsantahay in lagu fuliyo waxa ay kan hesho shareecada islaamka.
Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxay xukuno ku fulinayen qaar kamid Ah Goboladda dalka Soomaaliya.

