War lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab ayaa faah faahin looga bixiyay toogasho ka dhacday Muqdisho iyo qarax lagu weeraray saldhigga Booliska degmada Wadajir.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka sarkaal katirsan ciidamada booliska dowladda soomaaliya oo ay sheegeen rag katirsan Al-shabaab iney ku dileen degmada wadajir ee gobalka Banaadir.
“Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa dilay sarkaal ka katirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Gamber kaasi oo caan ka ahaa degmada”. Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.
Dhanka kale warka Al-shabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegtay masuuliyada qarax ka dhacay muqdisho oo shabaab ay sheegeen iney ku weeraren saldhiga booliska degmada wadajir ee gobalka Banaadir.
Majirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo xaqiijin karta jiritaanka weerarada ay muqdisho ka geysten, maadaama Xiriiro kala duwan oo Simba ay la sameysay maamulka iyo saraakiisha Booliska Wadajir ay ka gaabsadeen iney warbixin inaga siiyaan qaabka wax ay u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

