Michael Keating Muxuu ku Sifeeyay Wariyaasha Soomaaliya Geesiyaal Mise Fulayaal.?

0

Ergyga  Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka  suxufiyiinta dalka.

“Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto iney halis la kulmaan mararka qaar,” ayuu yiri Keating. “Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ka ah dhammaan bulshooyinka dimoqraadiga ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo,” ayuu yiri. “Qeyb muhiim u ah saxafada  si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa  dhaqanka ciqaab la’aanta , Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan.”

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay xubnaha Baarlamaanka in ay dib u bilaabaan wadahadalkooda ku aaddan dib-u-habeyn lagu sameeyay sharciga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee 2016-ka, isla markaana tixgelin siinayaan liiska wax ka badalka ee sharciga ee ay sanadkii hore u soo gudbiyeen ururada saxaafaddu.

UNSOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saari doona warbixin guud  sanadkan aakhirkiisa oo faahfaahinaya xayiraadda sii socota ee ku aaddan xorriyadda saxaafadda, maaddaama ay si wadajir ah u baahiyeen warbixintii 2016 ee xuquuqda xorriyadda hadalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here