Dowladda Kenya Oo War Ka Soo Saartay Kooxo Ajaanib Ah oo Dhibaato ku Haya Soomaaliya

0

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Gobolka si uu gacan uga geysto dib u soo celinta xasiloonida dalalka deriska ah sida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa go’aan ku gaaray inuu xoojin doono awoodda Ciidanka nabad galyada si loo ilaaliyo ammaanka,isagoona xusay in nabad la’aan aysan jirin nolol,sidaasi daraateedna ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya iyo dalalka kale ee deriska la ah nabad loogu soo dabaali lahaa.

Hogaamiyaha Kenya ayaa sheegay in danta Kenya ay tahay in dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ay degaan,isagoona xusay in Labadaasi Wadan ay yihiin wadano dagaal sokeeye ay aafeeyeen,balse hadda si dhaqsi ah u soo kabsanaya.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal qani ah ay dhibaato ku hayaan dad Ajaaniib ah oo ka bar bar dagaalamaya xogaga AlQaaciida ee Al-Shabaab,wuxuuna balanqaaday in Kenya ay sii wadi doonto taageerida Soomaaliya si mar kale dib ugu hanato Xasiloonideedii markii hore ay lahaan jirtay dowladda Soomaaliya.

Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ammaanay Ciidanka Midowga Africa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya,kuwaasi oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Al-Shabaab ee ka amar qaata hogaanka guud ee Alqaacidda caalamka Shaikh Ayman Adawaahiri.

Dowladda Kenya ayaa waxay qeyb ka tahay dalalka deriska ah ee Ciidanka ka joogaan Soomaaliya,waxayna Dowladda Soomaaliya marar badan ku cel celisay iney Kenya door muhiim ah ku leedahay nabad ku soo dabaalida Soomaaliya

Xoogaga Xarakada Al-shabaab ee taabacsan Alqaacidda ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo sido kale dowladda shisheeye ee ciidamada ka joogaanSoomaaliya, ayaa fara badan ku haya dowladda Kenya, halkaasi oo ay ka dagaalamaan dagaalyahano katirsan Al-shabaab oo weeraro iyo qaraxya la eegta ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda Kenya ee isaga kala goosha deeganada dalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here