Guddoomiye Gobalka Banaadir Oo Kormeeray Xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka +Sawirro

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo  kormeeray Xarunta Ciidamada Ilaalada Deegaanka ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynaayo Ciidankaas, si loo xaqiijiyo qorshaha ku saabsan dib-u-habeynta qeybaha maamul ee Gobolka.

 

Guddoomiyaha ayaa farey Saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Ilaalada Deegaanka in ay dardar geliyaan shaqada adag ee ay hayaan, iyadoona la racaayo hannaanka ku saleysan hufnaanta iyo musuq maasuq la’aanta ee Maamulka Gobolka Banaadir uu beegsanayo.

 

Kormeerkan oo u ku wehelinayey Guddoomiyaha qaar ka mid ah Kuxigeennadiisa iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa halkaas waxa ay qiimeyn ku soo sameeyeen xafiisyada iyo xarumaha ay ka koobantahay Xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka Gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here