Qarax gaari lagu dhajiyay ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay xaafada Ceel Hindi ee Degmada Howl-Wadaag ee gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa qaraxa waxaa lagu xirey gaari uu lahaa nin la sheegay in uu la shaqeeyo Hay’adaha Qaramada Midoobay aan magaciisa aan la shaacin.
Sidoo kale gaariga qaraxa lagu xiray ayaa xiliga uu qarxayay waxa uu yaalay guri hortiisa mana jirin cid xiligaasi ku dhax jirtay.
Daqiiqado kadib waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo halkaas ka sameeyay baaritaan.
Mana jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan.
Waa qaraxii labaad ee ka dhaca Magaaladda muqdisho, muddo 24-saac gudaheeda.

