Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Xubno Kale oo Kormeeray Isgoysyadda Muqdisho+Sawirro

0

Wasiirka Amniga Gudaha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow,Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa xalay waxay kormeer Shaqo ku tageen dhammaan wadooyinka laga soo galo Magaaladda Muqdisho, iyo xaafado kamid ah Suuqa Xoolaha.

Ujeedka kormeerkaan ayaa lagu sheegay sidii loogu kuurgali lahaa  sida ay usocdaan howlaha sugida Amniga ee ay wadaan Ciidamadda amaanka Magaaladda Muqdisho.

Mas’uliyiintaan ayaa waxay tageen goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Nabadd Sugidda Soomaaliya,waxay arrimaha amniga ka wareysteen Taliyayaasha Booliska.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo xubnihii la socday ayaa waxay ka dukaameysteen goobaha ganacsiga Xaafadda Suuqa Xoolaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here