Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliayadda qarax ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka mudug.
Qaraxaan ayaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwo isku dhafka ee gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa lagu dilay 5-ruux oo uu ku jiro Taliyihii Ciidamada isku dhafka Gaashaanle Sare Cabdi Cabdullaahi Xooreeye.
Sidoo kale waxaa qaraxaan ku dhintay Sarkaal kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Qani Axmed Geyre iyo Ciidamo kale.

