Itoopiya Oo War ka Soo Saartay Iney Ciidamadeeda Sii Joogayaan Soomaaliya

0

Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan Ciidamadeeda inta laga adkaanayo Xoogaga Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Meles Alem, ayaa Shalay u sheegay Saxaafadda inay Dowladdiisu doonayso inay sii waddo shaqada AMISOM ee la dagaallanka Xaqjiriinta Soomaaliya.

Wuxuuna midowga Afrika u soo jeediyay inaysan ka bixin Soomaaliya ilaa laga adkaado Dagaalyahanada Alqaacidda ee Al-Shabaab ama ciidamada xooga Soomaaliya ay yeeshaan awood intaan ka badan.

Ciidamada Itoopiya iyo Kenya ayaa ah kuwa ka hor intaa laga dalban kamid ahaan shaha Ciidamada Amisom ay iska soo galeen gudaha soomaaliya, kuwaa oo markii hore ahaa ineysan Ururada Islaamiga aysan usoo dhawwaan xuduudaha dalalkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu dhisaya Ciidamada Xoogga iyo Booliska, si ay ammaanka Dalka ula wareegaan marka ay laabtaan Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here