Waxaa maanta magaalada Burco ka soconaya banaan baxyo xoogan oo lagaga soo horjeedo xukun dhawaan maxkamada Soomaaliland ay ku riday Boqor Buurmadow, oo kamid ah madax dhaqameedka ugu waaweyn deegaanada iyo degmooyinka Maamulka Gobaleedka Soomaaliland.
Banaan baxa oo ay dhigayaan dad shacab ah oo aad uga xumaaday xukunka shanta sano ah ee lagu riday Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow oo katirsan salaadiinta aadka looga yaqaan Soomaaliland, kaasi oo maamulka Soomaliland ku eedeeyay inuu ku hadlay hadalo hoos u dhigaya Qaranka Somaliland.
Ciidamo katirsan Booliska Somaliland oo gaaray qaar kamid ah bariga xaafadaha magaalada Burco oo uu ka socdo banaan baxaya ayaa dadka ku amrayay iney guryahooda ku laabtaan oo ay joojiyaan banaan baxa ay kaga soo hor jeedaan xukun shalay maxkamda Somaliland ay ku riday Boqor Buur-madow.
Shacabka rer Burco ee dhigaya banaan baxaya ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirada Boqor Cismaan Aw-Maxamuud oo Somaliland ku eedeysay inuu ku dhaqaaqay waxyaaba sharciga u yaal maamulka diidaya sida inuu kaga hadlay deegaano katirsan Puntland hadalo lidi ku ah Somaliland.

