Faah-Faahin Ku Saabsan Toogasho Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysnaa ay u geysteen wiil dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka xaafadda Suuqa Xoolaha  wiilka Mooto Bajaajle ahaa ayaa lagu toogtay Goob gawaarida lagu oo ku taala Xaafadda Suuqa Xoolaha.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo halkaas baaritaano ka sameeyay.

Dhanka kale Meydka Wiilka dhalinyaradda ahaa ayaa waxaa goobta ka qaaday Eheladiisa oo goobta soo gaaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here