Amar kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu joojiyay Xaflad lagu soo dhaweyn lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir.
Xafladda ayaa ka dhici laheyd Howlka Xafladaha Sir Ali Muslim Clup,waxaana ka qeyb gali lahaa Jaaliyadda Soomaliyeed ee Magaaladda Nairobi ee dalka kenya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan Nairobi, amar kasoo Madaxtooyadda kenya ayaa lagu joojiyay Munaasabadda lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga,lamana shaacin sababta ka dambeysay.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

