Al-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Galabta Muqdisho Ku Dagaalamay!

0

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa galabta waxa uu ka dhacay Xaafadda Cafaraad Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Iska hor imaadkaan ayaa yimid kadib markii Hay’adda amaanka ay ka war heleen in rag ka tirsan Al-Shabaab ay Xaafadda ku sugan yihiin islamarkaana ay qorshaynayaan In ay weerar geystaan.

Arintaan waxaa ku baxay markii hore Ciidan uu hoggaaminayay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda degmada Yaaqshiid.

Taliyaha ayaa ku amray ragii shabaab ka tirsanaa in ay hubka dhigaan balse way diideen, taasina waxa ay keentay in dagaal uu meesha ka dhaco.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka lagu dilay hal shabaab ahaa, halka seddex kale ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah, dhankoodana laga dhaawacay seddex askari.

Dhanka kale Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee dhinaca ammaanka iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyo Saraakiil ka Tirsan Dowladdda ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here