Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Weerar Xoogan ku qaaday Deegaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobalka Jubadda Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Jubbaland oo garab ka helay Kuwa Kenya
Dadka Deegaanka ayaa Simba u Xaqiijiyey in Dagaal Xoogan uu maanta ku dhexmaray Deegaanka Qooqaani Ciidamada Jubbaland oo ay gacansiinayaan Kuwa Kenya iyo Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya iyo kuwa Somalida ah ay ku lahaayeen Deegaanka, waxaana Dadka Deegaan Qooqaani ayaa Idaacada Simba u Sheegay inay Maqlayeen Rasaas Culus oo ka dhacaysa Afaafka Hore ee Saldhiga Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya.
Waxaa Warar ay intaa ku sii darayaan inay Al-shabaab ay la Wareegeen deegaanka Qooqaani islamarkaana ay Gubeen Dhamaan Xarumihii ku yaalay Deegaankaasi oo ay ku jiraan Saldhigii Ciidanka Kenya iyo Kii Kuwa Jubbaland.
Gudoomiyaha Degmada Afmadoow ee Maamulka Jubbland Maxamed Dhaqani Cabdi oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Beeniyey inay Al-shabaab ay la Wareegeen Deegaanka Qooqaani oo Hoosyimaada degmadiisa waxaase uu xaqiijiyey inay Al-shabaab weerar Guuldareystay ay ku soo qaadeen Deegaanka kaasi oo ay Fashilyeen Ciidanka Jubbaland.

