Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay in la bililiqestay xarunta Dugsiga tababarka ee General Gordan Degmadda Hodan ee Magaaladda muqdisho.
Taliyaha Hogaanka siyaadsada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid sheikh cali Xaydar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in la boobay Xiradda,islamarkaana uu xerada booqday abaandullaha ciidanka xoogga dalka
G/sare Cabdi xamiid sheikh cali xaydar waxa uu dhanka kale beeniyay in ciidamada xoogga dalka uu iska hor imaad uu ku dhax maray gudaha xerada waxa uuna xusay in macalimiinta tabarayaasha iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay hada ku sugan yihiin gudaha xerada general gordan
Taliyaha hogaanka siyaada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka waxa uu tilmaamay in sharciga ay la tiigsan doonaan warbaahinta Baahisay warkaasi been ah.
Xarunta dugsiga tababarka ee general gordan ayaa ka mid ah goobaha lagu tababaro ciidamada xoogga dalka,waxaana shalay soo baxay in Ciidamadda Imaaraadka ay isaga baxeyn ayna boobeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

