Imaaraadka Oo Ku Dhawaaqay Xiritaanka Xarumo ay Ku Lahaayeen Muqdisho!!

0

Wargeyska Alceyn ee Imaaraadka Carabta kasoo baxa ayaa daabacay in gabi-ahaabna la hakiyay howlihii uu qaban jirey isbitaalka Sheekh Zayed Hospital ee ku yaala Degmada Shangaani Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Isbitaalkaan oo ku yaala halkii la oran jiray Fiisha BRA ayaa maanta la xiray, iyadoo la joojiyay howlihii caawimaad iyo qaabilaada bukaanada oo maalin walba daawo maalmeed ka heli jiray isbitaalkaas.

Dhanka kale Shaqaalaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta inta badan agabkiisa iyo qalab milateri ka rartay xerada Tababar ee ay ku lahaayeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Gawaari Konteenaro ah oo lagu daabulayay agabyo iyo saanad milateri ayaa la arkayay, kuwaasoo ka soo baxayay Xerada Jen. Gordon ee Imaaraadka  Carabta ay Ciidamada ku tababaraan.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay Tababareen Imaaraadka Carabta ayaa  boobay agabkii ay ka tageen Saraakiisha  Imaaraadka carabta.

Ilaa haatan lama oga Sababta ka dambeysa, in Shaqaalaha imaaraadka Carabta ay ka guuraan xarumihii ay ku lahaayeen Magaalada muqdisho sida Sheekh Zayed Hospital, iyo Xiradda jeneraal Gordon.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here