Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Dammaam

0

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedkii 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Galinkii dambe ee shalay waxaa Magaaladda Dammaam ee dalka Sacuudiga gaaray wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here