Cabdulaahi Faarax Weheliye oo Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday Dhuusa-mareeb

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ku waramaya in Cabdulaahi Faarax Weheliye uu ku guuleystay doorashadda kursi kamid ah Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya.

Kursigaan oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa waxaa ku Tartamay maanta xubnaha kala ah Cabdulaahi Faarax Weheliye, Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulaahi Faarax Xirsi.

Weheliye oo sidoo kale ah wasiiru dowladaha wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa wareegii koowaad ee doorashadda helay 28 cod, Maxamed Cilmi Afrax ayaa helay 17 cod, halka Cabdulaahi Faarax Xirsi uu helay 3 cod, halka 3-cod-na ay halaabeen.

Waa doorashadii ugu horeysay oo Heer Qaran ah oo ka dhacda Dhuusamareeb tan iyo 1967-dii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here