Akhriso:-Doorashadda Kursi Ka Banaan Golaha Shacabka oo Lagu Qabanayo Dhuusamareeb

0

Doorashada Kursi Ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto deeganadda Galmudug ayaa maanta Waxaa ay ka qabsoomeysaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Qaban-qaabada Hoolka lagu qabanayo Doorashada ayaa hada ka socoto Magaalada Dhuusamareeb,Waxaa Doorashadan Soo Agaasimay Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaran oo ay Hoggaaminayo Xaliimo ismaciil (Xaliimo Yareey).

Kursigaan doorashadiisu ay manta ka dhaceeso Magaalada Dhuusamareeb ayaa Horay Waxaa Kaga Geeriyooday Alle ha unaxariiste Xildhibaan Botaan Ciise Caalin,Waxaana ilaa iyo hada u sharaxan 3 Musharax sida ay sheegeyso Xaliimo Yarey.

51 Ergo ayaa sida sharcigu Yahay Codeeneyso Waxaana uu lafilayaa 3 musharax in uu mid ku soo baxo kaasi oo ka mid Noqonayo Xildhibaanada Golaha shacabka baarlamaanka Federaalka  Ee Soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here