Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ayaa ku waramaya in Garoonka diyaaraddda Magaaladaas ay ku xaniban tahay diyaaradd qaadi laheyd tababarayaal Ciidan oo u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa inoo sheegay in arinta Xanibaada ay timid kadib markii Saraakiisha u dhashay dalka imaaraadka ay diideen in la baaro Boorsooyin ay wateen, oo markii hore ay damceen in ay baaraan Ciidamadda amaanka Puntland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro dadaal ku aadan in la xaliyo arinta xanibaada lagu sameeyay Tababarayaasha u dhashay dalka imaaraadka Carabta, ee ka bixi lahaa deeganada Maamulkaas.
Dhanka kale Maamulka Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso iyo maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xayiraadan la saaray diyaarada lagu waday in garoonka Diyaaradaha Boosaaso ka qaado Saraakiil Imaaraat ah.

