War Deg Deg:-Qarax ay Shacab Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Magaaladda Baraawe

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay qarax Miino oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhawaac.

Qaraxan ayaa ka dhacay Garoon kubadeed oo ku yaala Magaaladda Baraawe oo galabta ciyaar Sama-final  aheyd ay  ku ciyaarayeen labo naadi oo ka dhisan gudaha Magaladda Baraawe.

Gudoomiyaha Degmadda Baraawe Xuseen Jeex oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay in qaraxa uu ku aasnaa garoonka geeskiisa islamarkaana uu dhacay xili ay ciyaarta socotay.

Wuxuu sheegay in Xarakadda Al-shabaab ay garoonka ku aaseen qaraxa.

Inta la xaqiijiyay 6-ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen oo ahaa taageerayaashii garoonka usoo daawasho tagay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka maamulka koonfur Galbeed  Soomaliya,waxaana dadkii ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Baraawe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here