wararka Idaacada Simba ay ka heleyso magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaasi guri dabaq ahaa ku dumay shaqaalo ka shaqeynayay dhismahaasi.
inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa geeriyootay 11 kalena waa dhaawac, kuwaasi oo ahaa shaqaalahii dhisayay guriga dhabaqa ah oo laga dhisayay Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Wararka qaar ayaa sheegaya marka laga tago labada ruux ee dhimatay, in wali la fahansan yahay in dhismaha dabaqa dumay iney wali ku hoos jiraan shaqaalo kale oo kamid ahaa shaqaalo ku guda jiray dhismaha guriga dabaqa ah ee laga dhisayay Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne.
Xiriiro Simba ay la sameysay maamulka magaalada Baladweyne ee Hirshabelle ayaa suura galin xiriirkii uu la sameeyay warqabadka Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho.
Waxii kusoo kordha Dhimashada Rasmiga iyo Halka ay Wax Marayaan Kala Soco Simbnews.com

