Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya oo Booqasho ku Jooga Baydhabo

0

Danjiraha Itoopiya u jooga Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa maalintii sadaxaad waxuu booqasho ku joogaa magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee maamulka koofur galbeed.

Safiirka ayaa la sheegay booqashadiisa iney salka ku heyso arimo u badan dhanka Amaanka gaar ahaan cutubyada ciidamada militariga Itoopiya ee ka howlgala Soomaaliya, dagaalkana kula Jira Al-shabaab.

Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar oo maalintii sadaxaad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxuu kulamo la qaatay ganacsatada Baydhabo, Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada Koofur Galbeed.

Jamaaludiin Mustafa Cumar Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa markii uu kulamadaasi ay usoo dhamadeen waxaa uu kormeer ku tagey Xarunta Telefishinka K/Galbeed, halkaasi oo shir Jaraa’id ay si wada jir ah ugu qabteen safiirka iyo Wasiirka Amniga K/Galbeed, Xasan Xusen Maxamed (Xasan Eelaay).

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa shirka Jaraa’id kadib waxuu mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed u sheegay inuu waxii warbixin ah dib ugula laabanayo madaxda ugu sareysa dalka Itoopiya, si buu yiri loo fuliyo balan qaadyada Dowladiisa ay sameysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here