Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo dhulka lagu aasay oo lala eegtay gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka Maamullada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaliya.
Qaraxaan oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay agagaarka Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxaan ayaa lala eegtay labo Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamuladda Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaliya oo lagu kala magacaabi jirey xildhibaan Axmed Cabdi Faarax(Kabaweyne) oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Xildhibaan C/ qaadir Cabdiraxmaan (Baraf) oo sidoo kale ahaa wasiiru dowlaha Amniga maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanadaan ayaa kusoo wajahnaa Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

