Hay’adaha Amaanka Puntland oo Sheegay in Ay Qarxiyeen Miinooyin ay Aaseen Al-shabaab

0

Ciidanka Amniga Maamulka Puntland ee PSF ayaa qarxiyay ilaa 4 miino oo Xarakadda Al-shabaab ku aastay Wadada isku-xirta degaannada Balli-khadar iyo Galgala ee gobolka Bari sida lagu xusay qoraal ka soo baxay taliska PSF.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka PSF oo muddooyinkii dambe hawlgal ballaaran ka waday waddooyinka u dhexeeya degaannada Bali Khadar, Majiyahan, Maraje, Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Calmadow ay ku guulaysteen in ay qarxiyaan ilaa 4 miino oo Al-shabaab ay doonaysay in ay ku dhibaatayso ciidamada Puntland.

Taliska PSF aya sidoo kale sheegay in mudadii ay hawlgal ku jireen ay shacabka degaannaas la yeesheen kulmo wacyi-gelin ah oo ku saabsan gacan-siinta ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira malayshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab,waxaana talisku ballan qaaday in ay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka Al-shabaab.

 

.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here