Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ee ku aadanaa in Dowladda Soomaliya ay kasoo horjeedo heshiiska Dekadda Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil.
Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo hadal ka jeediyay Telefishinka Abuu Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in hadalka dowladda Federaalka aanu quseyn, isla markaana ay tahay Somaliland dowlad madax banaan.
“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta”, ayuu yiri Suldaan Ahmed Bin Suleymaan.
Heshiis Seddex Geesood ahaa oo dhawaan lagu saxiixay Magaaladda Berbera ayaa lagu sheegay in shirkadda DP World ay leedahay saami dhan 51% halka Somaliland ay leedahay ay 30%, halka inta soo hartay oo gaaraysa 19% ay leedahay dowladda Ethiopia.
Dowlada Ethiopia ayaa waxa ay maalgelin ku sameyn doontaa wadooyinka gudaha waxaana dhismaha dekeda ay bilaaban doontaa dhamaadka sanadkan.
Heshiiska Somali-land waxaa u saxiixay Wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire, halka dowlada Ethiopia uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Axmed Shide, iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay Sultan Axmed Bin Salayman Madaxa Shirkadda DP World.
Balse waxaa heshiiska kasoo horjeystay Maalin kadib Dowladda federaalka Soomaliya.

