Wararka ka imaanaya Xaafadda Kaaba-godey Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed in goordhaweyd lagu dilay degmadaas.
Dilkaan ayaa waxaa geystay Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Degmadda Dharkinley, oo doonayay in ay si xoog ah kaga raraan dad shacab ahaa dhul ku yaala Xaafadda kaaba-godey ee Degmadda Dharkinley.
Qof kamid ah dadkii ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ayaa idaacadda Simba u sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jirey Macalin Mangista islamarkaana uu ahaa Tababare ka Tirsanaa Ciidmadda Xoogga dalka Soomaliyeed.
Ciidamadda dilka geystay iyo Sarkaalka ayaa la sheegay in ay murmeen, islamarkaana sarkaalka uu daganaa dhulka ay ciidamadda doonayeen in dadka ka raraan isagana uu damcay in uu is hor istaag uu ku sameeyo.
Sidoo kale waxaaa halkaas ku dhintay sarkaal kale iyo qof rayid ahaa.
Maamulka Degmada Dharkinley aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan.

